Ra’isalwasaare Khayre oo kormeer wasaaradeed sameeyay isla markaana eryay dhowr shaqaale ah (Sawiro)

Waxaa maanta ra’isalwasaare Xasan Cali Khayre uu kornmeer buuxa oo kedis ah ku bixiyay dhowr wasaaradood oo si toos ah xarumahooda u booqday.

Ugu horayn Ra’isalwasaaraha ayaa kormeer ku tagey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare oo xiligaasi ay ka socotay shaqo maalmeedka Wasaaradda, waxaana uu warbxino siiyey mas’uuliyiinta Wasaaradda.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Cabdirahamaan Daahir Cismaan ayaa u sheegay Ra’iisul Wasaaraha in Wasaaraddu diyaarinayso qabashadda imtixaanka midaysan ee sanadkan oo la qorsheeyey inay galan 23 kun oo ardey, waxaa sidoo kale uu ka waramay siyaasadda waxbarashada qorshaha horumarinta waxbarashada ee shanta sane ee soo socota iyo hagaajinta Maamulka Guud ee Wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay in horumarinta Waxbarashada dalka ay tahay ahmiyadda ugu wayn ee lagu gaari karo in dalkeenu uu gaaro halka uu hiigsanayo oo ah horumar .

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa sidoo kale kormeeray Wasaaradaha Beeraha ganacsiga iyo Xanaanada Xoolaha oo degan hal xarun, waxa uuna dhamaan maamulada Wasaarada uu ka dhageystay hanaanka ay u shaqeyaan iyo qorshooyinka Wasaaradaha, isagoo dhiiri geliyey shaqaalaha Wasaaradaha uu ugu tegay iyagoo ku jira gudashada waajibaadkooda shaqo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliyaa ayaa cadeeyey in dowladdu ay bixineyso xaquuqda shaqaalaha balse aysan aqbali doonin in shaqaalahu si wanaasan u gudan waajibaadkoodu , waxaa uuna ku amray Wasaaradda beeraha in 12 shaqale ah oo aan imaan shaqada cududaar la’aan shaqada laga ruqseeyo, booskoodana looga faa’iideeyo muwaadiniin kale oo diyaar u ah inay si wanaagsan dowladda ugu adeegaan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa isla maanta kormeer ku tagey xarunta Cilmiga, Fanka iyo Suuganta, isagoo xusay in xaruntaasi ay door weyn ku leedahay tayeynta Waxbarashada iyo horumarinta Dhaqanka.

Raisul wasaare kheyre ayaa maalmihii la soo dhaafay waday kormeero kedis ah oo ku tegayey xarumaha dowlada, isagoo u kuurgalaya habsami u socodka howaha xukuumada.