R/wasaare Khayre ayaa ka qayb qaatay mashruuc balaaran oo layrar loogu xiraayay Runway-ga Garoonka Adan Cade asagoona Ra’salwasaaruhu gacantiisa ku tijaabiyay layrkii ugu horeeyay ee lagu xiro wadada ay diyaaraduhu kusoo degtaan.
Wasiirka Gaadiidka Duulista iyo Hawada ee xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegey in qalabkan dowlada Soomaaliya ay soo gadatey ugana tala gashey in goroonka Aadan Cade Airport lagu xiro si ay diyaaradahu habeen iyo maalinba usoo dagaan una duulaan sidoo kalena ay qayb ka noqoto soo celinta bilicda garoonka iyo caasumadda.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa u mahad celiyey Wasiirka iyo kooxdii kala shaqaysey howsahan ay qabteen wuxuuna cadeeyey inaysan cidna taageero ka helin taasina ay tahey guul ay gaartay dowlada Soomaaliya.
“Waxaa loo qabay baahi wayn in la helo leerarka ifttimaya wadada ay diyaaraduhu ku dhaqaaqaan, aad baan ugu faraxsanahey inaan dhagax dhigo. Tanina waxey bilow u tahey horumarinta Garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwa gobolada dalka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay shaqaalaha garoonka ka shaqeeya inay ilaaliyaan qalabkan maadaam uu yahey hanti Qaran, sidoo kalena waxuu usoo jeediyay madaxda garoonka inay dowlada usoo sheegaan waxyaabah ka dhiman garoonka.