Ra’isalwasaare Khayre oo ka hadley Shirka London ka furmaya bisha May

Waxaa la filayaa bisha nagu soo aadan ee May gudaheeda in Shir lagu qabto magaalada London shirkaas oo quseeya Dowlada Soomaaliya kaasoo looga hadli doono arimo dhowr ah. ayadoona markaan uu Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu ka hadlay shirka bilowga bisha May ee sanadkan ka furmaya Magaalada London.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay shirka London in uu yahay mid ka shaqeyntiisa ay soo bilaabatay inta aan Doorashada la gelin, kaasi oo Dowladda Ingiriiska ay ugu tala gashay in la garab istaago Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay Mudane Khayre shirkan in looga hadlayo Amniga, Dhaqaalaha, Dowlad wanaaga iyo arrimo kale, isaga oo sheegay wixii ka soo baxa shirkan in lala wadaagayo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadlay Qaraxyada dhaca Bisha Ramadaan, ee dadka Soomaaliyeed ay aad u hadal hayaan marka la gaaro Bisha Ramadaan, wuxuuna sheegay in arrintaasi ay wax badan ka qaban doonaan.

Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu maanta ka qeyb galayay Barnaamij Todobaadle ah oo si toos ah uga baxayay TV-ga Warbaahinta Dowladda.