Ra’isalwasaare Khayre oo furay kulan looga hadlaaye horumarinta Isgaarsiinta Dalka (Sawiro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa maanta furay shir looga hadlayay horumarinta Isgaarsiinta dalka oo soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya, waxana ka qeyb galay Wakiilo ka socday Maamullada dalka iyo Masuulyiinta Shariikadaha Isgaarsiinta, iyadoo shirkan uu socon doono muddo saddex cisho ah laguna falanqeyn doono arrimo muhiim u ah Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada dalka.

Cabdi Canshuur Xasan  wasiirka  Boostadda iyo Isgaarsiinta dalka ayaa xusay in  horumarka  tiknoolajiyadda ay dalka ahmiyadda wayn u leedahay ayna  ka qayb qaadanayso  kobcinta dhaqalaha.

Ra’iisul wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali  kheyre oo la hadlayey  ganacsatada Soomaaliyeed  ayaa   tilmaamay in ganacsatadda Soomaaliyed looga baahan yahay in ay ka qayb qaataan  horumarinta dalka iyo dhismaha dowladdanimada  taas oo sare u qaadaysa  tayeynta ganacsigooda.

Mudan eXasan Cali kheyre Ra’iisul wasaaraha  Xukumadda federaalka soomaaliy  ayaa  mar uu la ahdlay  wakiiladda Shirka u matalayadda  dowlada goboleedyadda dalka  ugu baaqay  in  ka shaqayaan  midnimadda iyo  sidii ay isaga kaashan lahaayeen   soo celinta sumcadda wadankeena.

Ra’iisul Wasaare kheyre ayaa  ugu danbayntii  kula dardaarmay ka qayb galayaasha  shirwaynha  looga hadlayo horumarinta   Isgaarsiinta iyo Tiknoolojiyadda in shirkan loo baahanyahay in uu  ka duwanaado  shirarkii hore isla markaana   ay soo baxaan  talooyin wanaagsan.