Ra’salwasaaraha soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa goordhow ka degtay garoonka diyaaradaha Bali-doogle kaasoo ah garoon ciidan oo ku yaala Gobolka Shabeelaha Hoose.
Safarkan uu ku tegay Ra’isalwasaaraha Garoonka Bali-doogle waxaa ku wehliya qaar kamid ah golahiisa Wasiirada iyo Xildhibaano.
Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha uu la kulmi doono Saraakiisha ciidamada iyo ciidanka loo diyaariyay hawlgalka ka dhanka Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha hoose.
Xasan Cali Khayre ayaa shalay sheegay ciidanka inuu ku dhiiragelin doono inay qabsadaan Magaalooyinka Shabaab ay maamulaan oo ay ugu horeyso toora toorow.
Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ayaa lagu diyaariyay Xerada ciidanka Balli-doogle oo ay ku sugan yihiin ciidan Mareykan ah.
Waxaa suurtagal ah in Ra’isalwasaare Khayre uu booqasho ku tago degaanka Walawayn oo aan sidaa uga fogeen garoonka Bali doogle si uu ugu kuur galo xaaladda dadka degan Walawayn.