Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa kula hadlay Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA xaruntii hore ee Xisbiga kuwaas oo ka howlgeli doona sugidda amniga Muqdisho.
Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay muhiimadda ay ciidamadani u leeyihiin Amniga Caasimadda, isagoo kula dar-daarmay in gacan buuxda lagu qabto cid walba oo dhibaato ku ah amniga iyo kala danbeynta. Waxana uu ka dalbaday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, oo ay garabsiiyaan ciidamada si looga guuleysto cadowga had iyo jeer dhibaatooyinka u geysanaya Shacabka Soomaaliyeed.
Ra’isalwasaaraha mar uu hadlaaye ayuu yiri “Maanta maalin ay Soomaaliya idiinka baahi badan tahay ma jirto, sugida amniga iyo xaqiijinta dawladnimadda Soomaaliya waa mid ku xiran tayadiina ciidan iyo hadba sidaad isu xilqaantaa,”.
Sidoo kale waxa uu sii raaciyay “Qaranimadu maahan wax laysa siiyo, aduunka cid nasiin karta ma jirto anagu inaan dadaal iyo juhdi ku bixino mooyee, waana taas mida aan idin kugu imid maanta oo weliba hubo ka badan in aad mudan tihiin.”
Ra’isalwasaare Xasan Cali Khayre ayaa dareensiinaaye ciidanka Nisa inay yihiin kuwa muhiim ah isla markaana niyada u dhisaaye.
Mudane Xasan cali Khayre ayaa durba laga dareemay dhaq-dhaqaaq siyaasaeed oo furan kaasoo ogoleysiinaya inay cid walba ka faa’iideysato fursada uu siinaayo iyo dabacsanaanta uu muujinaayo taasoo aan wali horay looga helin siyaasi xilkan horay usoo qabtay.
Halkaan ka daalaco sawirada