Wararka soo baxaya aya sheegaya in Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan cali Khayre uu booqasho ku tagi doono Gobolka Shabeelaha Hoose.
Xasan Cali Khayre ayaa qorssheynaya inuu safar dhanka cirka ah ku tago Gobolka Shabeelaha Hoose inkastoo la adkeeyay amaanka wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ilaa iyo nawaaxiga Garoonka Bali-doogle.
Ra’isal wasaaraha oo ay ku wehlin doonaan xubno katirsan golihiisa Wasiirada ayay ku tagi doonaan gobolka Sh/Hoose, xili halkaas ay saacadihii lasoo dhaafay ku dagaalamayeen AlShabaab & ciidamada dowladda Soomaaliya.
Warka ayaa intaas ku daraya in RW Kheyre uu si gaar ah utagi doono garoonka Bali-doogle halkaas oo ay saldhig weyn ku leeyihiin ciidamo Mareykan ah iyo kuwa Amisom, waxaana dhawaan halkaas ka dhacay dagaal lagu dilay Sargaal Ameerikaan ah.
Safarkan Ra’isalwasaaraha ayaa macquul ah inuu isla maantaba soo gabagabaysmo waaba haddii qorshaha safarkan sida uu yahay Maanta u qabsoomo.