Ra’isal wasaare Xasan Cali Khayre ayaa amarkiisi ugu horeeyay faray wasiirada cusub ee Soomaaliya

 

Wareegto kasoo baxday xafiiska ra’isal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kusoo saaray amaro ku socda wasaaradaha iyo Hay’adaha kale ee Dowlada Waxaana lagu sheegay in ay si toos ah ugu isticmaalaan qoraaladooda rasmiga ah.

Tallaabadan ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay mid lagu xoojinayo af-Soomaaliga oo muddooyinkii u dambeeyay adeegsigiisu sii daciifayey.

Inta badan Wasaaraddaha dowladda ayaa laga adeegsadaa luqado ajnabi, sida luqada Ingiriiska, oo inta badan qoraalada la isugu diro.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray labo sano ka hor amar lagu farayo hay’adaha dowladda iney qoraalkooda rasmiga ah Af-Soomaaliga ku qoraan, balse amarkaas ayaan dheg jalaq loo siinin, lamana in amarkan cusub uu wadadaas mari doono iyo in kale.

Maadaama wasiirada iyo agaasimayaasha wasaaradaha dowlada ay u badan yihiin qurba joog ayaa waxay taasi keentay hoos u dhac weyn oo ku yimid adeegsiga luuqada Soomaaliga.

Qaar ka mid ah madaxda Soomaalida ayaa waxaa iyana caado u noqotay in marka ay khudbadaha ka jeedinayaan munaasabadaha isku dhafaan afka Soomaaliga iyo luuqada English-ka, iyagoo intaas ka raadinaya faan iyo amaan si loogu arko qof aqonyahan ah.