Ra’isal Wasaare ku xigeenka Somalia oo Muqdisho ku qaabilay Gregory Gottlieb

Waxaa magaalada Muqdisho booqasho ku yimid kuxigeenka madaxa USAID Mr. Gregory Gottlieb, kaasoo kulan la qaatay ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo khuseeya Abaaraha iyo mashaariicda horumarineed ee ay bixiso hay’addaasi.

“Booqashadaadu waa mid ka tarjumeysa sida USAID ay uga go’antahay inay joogteyso taageerada ay u hayaan Dowlada Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, weliba imaatinkaaga waqtigan xasaasiga ah ee Abaaraha ba’an ee heysta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri kuxigeenka Ra’iisal Wasaaraha.

“Xukuumadayadu waxey siisay ahmiyad gaar ah in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gar-gaar dhan walba ah si dalka looga illaaliyo inay macluul ka dilaacdo. waxaana sameysnay Wasaarada Gar-gaarka & Maareynta Masiibooyinka si ay kaalin hormuud uga qaadato isku-duwida iyo la shaqeynta dhammaan hay’adaha kala duwan ee dalka ka teegeera arrimaha gar-gaarka” ayuu mar kale yiri R.wasaare kuxigeenka.

Ku-xigeenka madaxa USAID Mr. Gregory Gottlieb oo goobta ka hadlay ayaa ku ammaanay sida dowladda federaalka ay uga go’antahay taageerada shacabkooda, ayna wasaarad gaar ah ugu sameeyeen gargaarka iyo musiibooyinka.

“USAID waa saaxiibka ugu dhow ee dowladda iyo shacabka, waxaana ballan qaadayaa inaan mar kasta la garab istaagno taakuladeena” ayuu yiri Mr. Gottlieb oo hoosta ka xariiqay in dowladda Mareykanka ay ka go’antahay inay kordhiso mashaariicda horumarineed ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaana kuwa gargaarka, dhismaha hay’addaha nabadgalyada, iyo mashaariicda kale ee dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.