Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Børge Brende iyo wafdi uu horkacayo oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
Labada dhinac, ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal yo taageerada Norway ee dib u dhiska Soomaaliya, Waxana kulanka goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay sida ay Dowladda Norway xilligan ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaalada lagu xasilinayo dalka iyo sidoo kale dhismaha dowladnimada Soomaaliya, oo maraya meel aad muhiim u ah. Wuxuna tilmaamay in guulo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha mudnaanta sare u leh dowladda.
“Booqashada uu noogu yimid Wasiirka Arrimaha Dibedda Norwey, waxay cadeynaysaa horumarka ballaaran ee la sameeyey afartii bilood ee la soo dhaafay oo sii jiitay indhaha caalamka, waxaan isla soo qaadnay arrimo muhiim ah oo wax tar u leh dalkeena, iyaguna waxay qireen in Soomaaliya ay u heelan tahay sidii ay uga faaiideysan lahayd taageerada uu caalamku siiyo.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Norway, Børge Brende ayaa dhankiisa ka mahadceliyey sidii wanaagsaneyd ee loogu soo dhoweeyay Soomaaliya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka labada dal.
Wasiirka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay sameysay horumar ballaaran 4-tii bilood ee la soo dhaafay, isla-markaana loo baahan yahay in la sii wado, Waxaana uu intaasi raaciyay in dalkiisu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siinayo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga dib u heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dowladda.