Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay safiirada xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay Safiirrada 15-ka dal ee xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo uu hoggaaminayay Ambassador Maxamed Omar Gad oo ah safiirka Masar u fadhiya Itoobiya , kuwaas oo ay  ka wada hadleen howlaha howlgalka Ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ee Somalia iyo mustaqbalkooda kadib 2021 iyo sidoo kale xoojinta Iskaashiga DFS iyo Midowga Afrika.

Wafdigan oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa waxa ay dalka ku joogi doonaan booqasho sadax cisho ah iyaga la kulmi doona Madaxda Sare ee Dowladda

Goobsan Media Inc.