Ra’iisul Wasaare Rooble ka qeyb galay munaasabad dowladda Imaaraadka ku wareejineysay lacag gaareysa 9.6 Milyan dollar

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad kooban oo dowladda Imaaraadka Carabta ay ugu wareejineysay dowladda Soomaaliya lacag gaareysa 9.6 Milyan dollar oo aheyd lacagtii sanadkii 2018 laga qabtay garoonka Muqdisho, lacagtaasoo 19 bishii May 2022 laga saaray Bangiga Dhexe.

Lacagtan ayaa loo qaaday Imaaraadka Carabta Khamiistii la soo dhaafay safarkii Ra’iisul Wasaaraha ku tagay Abu Dhabi, iyadoo maanta dib loo soo celiyay oo loogu deeqay dowladda Soomaaliya inay u kaashato arrimaha bani’aadanimada iyo horumarinta mashaariicda.

Wasiirka Maaliyadda ayaa kala wareegay lacagtan Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soonaaliya, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyo kuxigeenkiisa.