Ra’iisul Wasaare Rooble iyo madax kale oo salaadda janaasada ku tukaday meydka xildhibaan Aamino iyo Xasan Dhuxul

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal, madaxweynayaal hore Xasan Sheekh, Sheekh Shariif, Ra’iisul Wasaarayaal iyo siyaasiyiin kale, ayaa maanta salaadda janaasada ku tukaday meydka Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore  Xasan Cali Cabdi Dhuxul.

Labada marxuum ayaa kamid ahaa dad ku dhow 30 qof oo xalay lagu dilay labo qarax oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xildhibaan hore Zakariye Gaashaan oo kamid ahaa siyaasiyiintii ka qeyb-galay janaasada, ayaa sheegay in ay tuhmayaan in dilka uu ahaa mid siyaasadeed oo lagu fuliyay gacmaha argagixisada, balse caddeyn ma uusan bixin.

Marxuumad Aamino ayuu ku sifeeyay in ay aheyd cadaalad, ayna xaq u leedahay in ay cadaalad hesho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay faray hay’adaha amniga in ay baaritaan rasmi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falka arxan-darrada ah ee lagu dilay xildhibaannada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa cambareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Beledweyne, isagoona tacsi u diray dhammaan dadka dhintay, gaar ahaan xildhibaan Aamina Maxamed.

Kooxda al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada labadii qarax ee ka dhacay Beledweyne, xili magaalada ay ka socoto doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka.

Jabril Yahye Isse                                                                                                Goobsan Media Inc.