Ra’iisal wasaare Xamze oo Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub (EU) u fadhiya Soomaaliya Danjire Francesca Di Mauro, ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyey danjiraha cusub, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan dhinacyada, nabadda, horumarka iyo dib-u-dhiska dalka.

Dhankeeda, Danjire Di Mauro, oo uga mahadcelisay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, ayaa xustay in ay sii xoojin doonto iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, si loo xaqiijiyo qorsheyaasha mudnaanta u leh labada dhinac.