Ra’iisal wasaare Xamza oo dhagax-dhigay dhismaha xarunta Wasaaradda Waxbarashada(SAWIRRO)

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taas oo muhiim u ah dalka, maadaama ay noqoneyso saldhiga tacliinta.

Xaruntan cusub ayaa laga hirgelin doono dhisme casri ah oo ka qeyb ka qaadan doona horumarinta adeegyada Waxbarashada dalka, sida ay sheegtay xukuumaddu.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda Waxbarashada dalka ay muujinayso dadaalka dowladda ee ku aaddan tayeynta adeegyada bulshada iyo barbaarinta Ubadka Soomaaliyeed, maadaama ay wasaaraddani ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowladda.

“Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal badan gelisay tayeynta waxbarashada dalka iyo casriyeynta dhammaan nidaamyada waxbarashada bilow ilaa dhammaad, waxaana la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo waxbarasho jaamacadeed oo horumarsan, Waxaana naga go’an in ubadkeennu helaan aqoon iyo xirfad tayo sare leh”. ayuu yiri Ra’iisul wasaaruhu.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in wasaarada waxbarashada ay tahay midda ugu muhiimsan ee dalka, ayna ka shaqeyneyso wax baridda ubadka Soomaaliyeed, si ay u helaan mustaqbal wanaagsan.

“Wasaaraddaan Waxaa ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, maadaama ay maamuleyso wixii ugu muhiimsanaa ee dalkani uu lahaa oo ah ubadka, dhallinyarada doonaya inay wax bartaan dowladda waxaa ay ku leeyihiin waa inay hagaajiso goobihii ay wax ku baran lahaayeen”.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare dadaalkooda ku aaddan horumarinta adeegga waxbarasho ee Soomaaliya, ilaalinta xogta ardayga iyo casriyeynta nidaamka tacliinta.