Ra’iisal wasaare ku xigeenka Cusub oo Xilka la wareegay

Ra’iisal wasaare ku xigeenka  cusub ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed ayaa maanta si rasmi ah xafiiska kala wareegay ra’iisal wasaare ku xigeen kii hore Maxamed Cumar Carte oo mudo labo sano ah ku soo shaqeeyay xafiiska.

Maxamed Cumar Carte ayaa u mahad celiyey dhammaan madaxdii dawladdii hore iyo Shaqaalaha xafiiskiisa, waxaana uu sidoo kale tilmaamay in mudadii labada sano ahayd ee shaqada uu qaranka u hayay qabsoomeen howlo aad u badan isla markaana loo baahan yahay in horey loo sii ambaqaado.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa isagana xil wareejinta kadib, u mahadceliyey Ra’iisul Wasaarihii xilka uga horeeyey, wuxuuna kula dar-daarmay shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan hay’addaha dawladdu inay gacan buuxda lagu siiyo sidii uu waajibaadkiisa shaqo u gudan lahaa.