Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku jooga safarkisii labaad.
Safarkan oo noqonaya kii labaad ee Mudane Kheyre ku tago Itoobiya muddo bil gudahood ah ayaa ka qeyb galaya shirka ururka Midowga Afrika oo looga hadlayo xaaladda Qaaradda Afrika, arrimaha ammaanka, miisaaniysadda ururka iyo arrimo kale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa u xil saaray Ra’iisal Wasaaraha inuu ku metelo shirka oo ah heer shir madaxweyne, waxaana markii hore la filayay in lagu qabto magaalada Kigali, iyadoo dib loo celiyay xarunt Midowga Afrika ee Adis ababa.
Ra’iisal wasaare Kheyre oo lagu tilmaamo nin aan jecleyn safarradda ayaa codsi uga yimid madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo safaradda Itoobiya u arka inay halis ku noqon karaan shacbiyadiisa.