Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in ay kordhineyso taageerada ay siineyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ra’iiusl Wasaaraha Dalka Turkiga, Binali Yıldırım ayaa waxuu sheegay in Turkiga ay kordhin doonaan taageerada ay u Fidiyaan Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay taageero dhanka Militariga, si looga adkaado Xarakada Al Shabaab.
Ra’iisul Wasaare Binali Yıldırım ayaa waxuu qeexay in Saldhig Militari ay ka dhiseen Magaalada Muqdisho, kaasi oo uu sheegay in la furi doono Bisha September ee Sanadkan.
Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah Dowladaha sida dhow u taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Dagaal xoogan kula jirta Xarakada Al Shabaab.
©Goobsan Media