Rag loo soo qabtay Kufsi loo geystay Haweeney 85 Sano jir ah

Dhacadaaan oo aad looga hadal haayo Jowhar ayaa la sheegay in Haweeneyda ay ku nooleed Xero barakac oo ku taalla magalada Jowhar,waxana warka soo saaray oo ka hadlay Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe ahna Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda  Maxamed Cabdi Sheekh ayaa sheegay in falkaasi kufsiga ah ay ka dambeeyeen rag isticmaalay waxyaabaha maanka dooriye xilli la sheegayey in ay ka dambeeyeen askar ka tirsan Ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxa uu sheegay in howlgal ay sameeyeen ay gacanta ku dhigeen Lix dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen falkaasi kufsiga ah.

“waxba kama jiraan in ay yihiin askarta dowladda kuwa kufsiga geystay balse waa dad isticmaalay waxyaabaha maanka dooriyo,waxaan idiin sheegayaa in aan heyno lix dhalinyaro ah oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyaan kufsigaas oo aan baaritaan ku heyno ayuu yiri Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe ahna Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Siyaasadda.

Isbitaalka Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka hir-Shabeelle ayaa haweeneydaas haatan lagu daweynayaa waxana ku booqday Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe.

Warbaahinta Goobsan kala Soco Wararkii U danbeeyay ee Dunida
SHARE