Ciidanka dowladda federaalka ayaa maanta magaalada Muqdisho ku toogtay laba nin oo ka tirsan Mintidiinta Ururka Al Shabaab.
Raggan oo si gaar ah uu dilkooda uga dhacay xaafada Suuqa Xoolaja gaar ahaan halka loo yaqaano Carte ayaa waxaa la dilay kadib markii ay rasaas kala hor yimaadeen ciidan dowladda ka tirsan oo waday roondo.
Ciidanka iyo ragga Shabaabka ah oo watay laba gaari oo midi uu yahay caasi ayaa iska hor imaad daqiiqado socday uu dhexmaray, waxaan ragga Shabaabka ah laga dilay laba dhalinyaro ah.
Sawirro laga soo qaaday xubnaha la toogtay ayaa waxaa jirkooda ka muuqatay rasaas fara badan, iyada oo meydadkooda ay soo qaadeen ciidanka dowladda.
Saraakiisha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen hawlgalkan inuu kaga dhintay Hal askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda federaalka.
Ciidanka ammaanka ayaa wada hawgal amni xaqiijin ah, waxayna ku daba jiraan maleeshiyaadka Shabaab ka tirsan ee baxsadka ah.
Toogashada xubnahan ka tirsan Shabaab ayaa waxa ay ku soo aaday xilli maanta Al Shabaab ay qarax ku weerareen xarunta degmada Hodan oo ay ku dileen rayid iyo ciidan.