Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya dhalinyaro Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay xadka itoobiya ay la’wadaagto dalka Soomaliya.
Gudoomiyaha Dagmada Galinsoor Xirsi Muuse Maxamed ayaa Sheegay in wadada loogalay dhalinyaradaas oo watay Gaari ay Ku wadeen Qaad oo ka tegy deegaanka bandiiradlay ee gobalka Galgaduud.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray Gudoomiyaha In Saddex ka mid ah dhalinyaradaasi ay geeriyoodeen halka laba kale ay dhaawacmeen.
Ugu dambeyn gudoomiyihu mashaacin cida ka dambeysa dilka dhalinyaradaas iyo waliba sidoo kale sababta loo dilay.