Qoyska Shukri Yaxye oo Cadaalad dalbaday

Boqolaal ruux ayaa ka qeybgashay aaska gabar yar oo 12 jir Soomaali ah Shukri Yaxye oo ku dhimatay kadib markii ay ku qaraqantay wabi ku yaal Irwell ee magaalada Bury, Greater Manchester Khamiistii aynu ka soo gudubnay. Qaar ka mid ah dadka ka qeybgalay aaska Shukri Yaxye Cabdi oo muddo hal sano ah joogtay dalka Ingiriiska ayaa watay boorar ay ku qornaayeen “Waxaan dooneynaa caddaalad” iyadoo qoyska gabadhan ay sheegeen in Shukri aysan ku dhicin wabiga balse lagu ridey. Zamzam Ture oo ah Shukri hooyadeed ayaa iyadoo ilmeynaysa waxa ay codsatay in caddaalada la horkeeno cidda mas’uulka ka ahayd inay gabadheeda ku dhacdo wabiga. “Booliska waxa ay ii sheegeen in gabadhayda dhimashadeeda ay ku timid shil iyadoo la ciyaareysay carruur kale,”ayay tiri Zamzam. “Ilmaha kale waxba sooma gaarin xitaa dharkooda ma qoyaneyn,waa been runta ayaa la diidan yahay.”ayay sii raacisay Zamsam. Qoysas badan oo ku nool dalka Ingiriiska oo carruurtooda kala cararay dalka Soomaaliya dagaalada ka dhaca ayaa kala kulma arrimo aysan ka fileyn dalkaas iyadoo dhalinyaro badan oo Soomaali ah lagu diley mindi halka kuwo kalana ay ku dhintaan wabiyada.