Fatahaadii uu sameeyey wabiga Shabeelle ayaa saameyn waxa uu ku yeeshay Boqolaal Qoys oo ku noolaa Gudaha Magalada Baladweyne kuwaas oo hadda Magalada banaanka ka joogaan.
Daadadka Biyaha ka soo fatahay Wabiga ee Baladweyne ayaa sababay dhimasho iyo barakac intaba halka weli Xaafadaha qaar ee Baladweyne ay ku go’doonsan yihiin Qoysasa oo ay la’yihiin halkii ay u bixi lahaayeen.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeezow oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda deegaannada Hir-Shabeelle ayaa sheegay in fatahaadaas Wabiga uu sababay dhimashada lix ruux halka kumaan kale ay barakaceyn.
Fatahaada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Magalada Baladweyne ayaa siweyn looga dareemay Caalamka,waxana dowaldda Soomaaliya ay isku howshay sidii dadkaasi loogu gurman lahaa.