Kulankii Xildhibaanada Hirshabelle Oo Kooram La’aan U Baaqday

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee Hirshabeelle ayaa sheegaya inuu kooram la’aan u baaqday Kulankii ay xildhibaanada Maamulkaas ka yeelan lahaayeen ansixinta Golaha Wasiirada ee uu soo dhisay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Arintaan ayaa ka dambeysay kadib markii xildhibaannada ay dalbadeen in la siiyo mushaar ka maqan afar bilood, balse madaxweynaha Hirshabeelle uu sheegay inuu u hayo mushaarka laba bilood oo qura.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanno badan ay diideen inay xaadiraan kulanka iyadoo aan lasoo dhameystirin mushaarka, waxaana kulanka ka xaadiray 44 mudane, iyadoo loo baahnaa kooram dhan 51 Xildhibaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanadda Hir-shabeelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan Cod u qaadi doonin Wasiirada ilaa ay helaan xaquuqda ka maqan Baarlamaanka maamulkaasi oo tan iyo intii la doortay Madaxweyne Waare aanay helin wax mushaar iyo guno ah.