Qayba kamid ah Wadooyinka magaalada Muqdisho oo saakay xiran

Qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho oo saakay xiran wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Degmooyinka ay wadooyinka ka xiranyihiin Shibis, Boondheere Cabdi Casiis iyo qayb ka mid ah Xamar weyne, ayaa maanta xiran, iyadoo dadka ay yihiin kuwa lugeynaya.

Sababta loo xiray Wadooyinka ayaa waxaa lagu sheegay in ay tahay Banaanbaxa lagu taageeraayo Madaxweyne Farmaajo ee lagu waddo Saacaddaha soo socda in uu ka bilowdo Muqdisho.

Dadka Shacabka ee Sooman ayaa Saakay kusoo baraarugay Wadooyinka oo xiran, waxaana ay koox koox u socdaan Hareeraha Wadooyinka.

Banaanbaxaan ayaa waxaa lagu qaban doonaa garoonka Banaadir Studium ee  degmada Cabdicasiis ayadoona wadooyinka Garoonka Banaadir soogala ay yihiin maanta kuwa Amnigooda aad loo sugayo.