Shirkadda diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa maanta lagu wadaa inay duulimaadkeedii u horreeyey ku timaado caasimadda Muqdisho.Diyaarad nooceedu yahay Airbus A320 -232 ayaa lagu wadaa inay duulimaadka billowdo, taaso ku soo horreyn doonta dalka Jabuuti ka hor galinka dambana soo caga-dhiganaysa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaa oo la filayo munaasabad daahfurka duulimaadyada Qatar Airways in lagu qabto.
Qatar Airways ayaa duulimaad ku tagta 87 dal oo caalamka ah, waxaana shirkaddu shantii sanno ee u dambeysay ay noqonaysay midda koowaad ama labaad ee ugu horreysa shirkadaha duulimaadyada caalamka oo dhan, waxaana ay ka mid tahay shirkadaha ugu weyn caalamka ee duulimaadyada.
Billowga duulimaadkeeda cusub ee Soomaaliya ayaa loo arka mid horumarinaya duulimaadyada caalamiga ah ee yimaada caasimadda Muqdisho oo horey ay duulimaadyo uga sameyn jireen diyaarada Turkish Airlines, Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways.
Arrinta kale ee muhiimka ah in la xuso ayaa ah in loolanka shirkadahan caalamiga ah uu fursad u noqonayo bulshada Soomaaliyeed ee waqooyiga Ameerika iyo Yurub ku nool, kuwaas oo dhaqaalo badan ku imaan jirey dalka, kuna dhib qabay safarada ay ku imaanayaan gudaha dalka,balse wixii hadda ka dambeeya waxay heli doonaan duulimaadyo joogto ah.