Qasaare ka dhashay Qarax lala eegtay Ciidamo Kenyan ah

Al Shabaab ayaa markale weerar khasaara dhaliyay ka fuliyay nawaaxiga Mandhera.

Wararka ka imaanaya Mandhera ayaa sheegaya in  Kolonyo ciidamo Kenyaati ah oo marayay inta u dhexeysa deegaannada Finoow iyo Alcarabiya qarax xooggan lala eegtay gaari nooca Beeba ah oo ay saarnaayeen askarta  Kenyaatiga ah.

Ciidamadii saarnaa Gaariga Beebaha ayaa la sheegay iney soo gaartay qasaaro isagu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Kenya balse Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxan.

Tan iyo bilashadii bisha barakeysan ee Ramadaan Al Shabaab ayaa weeraro dhabbagal ah iyo qaraxyo ku bartilmaameedsanaysay ciidamada Kenya ee ku sugan gobollada Gaarisa,Wajeer iyo Mandheera.