Qareenadda Maxamed Nuur oo codsatay in la sii daayo.

Askarigaasi oo lagu magacaabo Maxamed Nuur waxaa horey loogu helay dilkii Haweeney lagu magacaabo Justine Daiamd oo u dhalatay dalka Australia, balse haysatay dhalashadda Maraykanka.

Qareenadda u doodaya Askariga Maxamed Nuur waxay shalay buuxiyeen Fayl ay Maxkamadda Heerka Degmo ee Gobalka Minnesota  kaga codsadeen in la sii daayo Askarigaasi, maadaama uu geystay Dil aan ku-tala-gal ahayn.

Qareenadda waxay kaloo sheegeen inuusan falkaasi u gelin si uu u dilo  haweeneydii uu toogtay, balse uu ka shakiyey goobta uu ku sugnaa oo mugdi ahayd, iyo inuu u cabsaday  nolosha Askarigii kale ee la socday.

Maxamed Nuur oo muddo 21-bilood ka tirsanaa Boliska dalkaasi waxa shaqada laga ruqseeyey  markii dacwadda lagu soo oogay sannadkii hore, wuxuuna haatan ku jiraa Xabsiga.

Askariga  oo 33-jir ah waxaa bishii hore lagu helay inuu dilay Haweeneydaasi bishii July 15-dii ee sannadkii 2017-kii, iyo fal-dembiyeedyadda dilka ee  heerka 3-aad iyo Heerka 2-aad, kadib, markii ay dhegeysiga dacwadiisa muddo  3 isbuuc ah ka socotay Maxkamad ku taalla magaalladda Minneapolis.

Sida uu qorshuhu yahay Garsoorka Maxkamadda Heerka Degmo ee Gobalka Minnesota waxay xukunkiisa ku  dhawaaqi doonaan bisha soo socota ee June 7-da, waxaana la hadal-hayaa  inuu muteysan doono xabsi 12 sanno iyo 6 bilood ah.

Dhinaca kale, qoyska Haweeneydii la dilay waxay horey u buuxiyeen gal-dacwadeed ka dhan ahaa Maamulka magaalladda Minneapolis, waxaana la siiyey lacag magdhow ah oo dhan 20-million oo Dollar.