Qaraxyo ay ku dhinteen Dad 100 Ruux ka badan oo ka dhacay Srilanka

Qaraxyadaas oo gaaraya ilaa Lix ayaa ahaa kuwo  aad u waa weyn,waxaana ay Maanta ka dhaceen kaniisado iyo iyo hoteello ku yaalla Magalada Colombo oo ah Caasimada dalka Sri Lanka.

Xilluiga ay qaraxyada dhacayeen ayaa waxaa lagu jiray ciida Masiixiga,waxaana sigaar ah ay uag dhaceen kaniisdo iyo Hoteelo ku yaalla degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa, sida ay shaacinayeen warbaahinta Caalamka qaarkood.

Saddex qarax oo kale ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen hoteellada Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaal bartamaha magaalada caasimadda ah ee Colombo.

Sawirro la soo dhigay Baraha Bulsahda ayaa la arkayey dhiig farabadan oo daadsan mid ka mid ah Kaniisadaha la weeraray,waxaana la rumeysan yahay in dadka wax ku noqday qaraxyadaas ay ku jiraan dalxiisayaal shisheeye.

Madaxweynaha dalkaasi Maithripala Sirisena ayaa warbixin qoraal ah oo uu soo saaray waxa uu shacabka ka codsaday in ay is dejiyaan oo ay baaritaannada ka caawiyaan laamaha ammaanka.

Majirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaasi qaraxyada ah, iyada oo ay horay u jirtay inay rabshado dhexmareen Muslimiinta iyo dad aaminsan diinta  Buudiistaha oo dadka qaar ay aaminsan yihiin.