Qarax Xoogan oo Goordhow ka dhacay magaalada Boosaaso

Jugta Qarax iyo Rasas ay Rideen Ciidamada Amanka Ee Boosaso ayaa laga maqlayey inta Badan Xaafadaha Boosaso.

Shan qof ayaa geeriyootay tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen, kadib markii Qof isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay bartamaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Sida ay wararku sheegayaan goobta uu qofkan isku qarxiyay ay aheyd meel wado ah oo ay ku badanyihiin Dadka shacabka ah.

Ciidamada Amaanka Boosaaso ayaa goobta mashaqadu ay ka dhacay soo gaaray, ayadoo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay loola cararay isbitaalada magaalada boosaaso.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay weerarkaas dadka ay ku dhinteen balse waxaa loo badinayaa ururada uu dagaalku kala dhaxeeyo Maamulka Puntland Sida Al-shabaab iyo Daacishta Soomaaliya.