Ugu yaraan Afar qof ayaa ku dhimatay ilaa Lix kalena way ku dhaawacmeen kadib markii baabuur ay saarnaayeen dad rayid ah Miino kula qaraxday degaanka Madax-waraabe oo u dhow Lafey, una dhaxeysa Ceel Waaq iyo Mandera.
Baabuurkan ayaa la sheegay inuu ka tagay magaalada Ceel-Waaq uuna kusii jeeday Mandera markii ay Miinadu la qaraxday.
Mid ka mid ah mas’uuliyiinta degaanka oo la hadlay idaacada VOA da ayaa sheegay in dadka dhaawacmay la soo gaarsiiyey cisbitaalka degaanka Lafey uuna ku jiro mid ka mid ah mas’uuliyiinta degaannada oo dhaawaciiisu halis yahay.
Mas’uuliyiintu waxay VOA u sheegeen in dadka dhintay ay haatan dhan yihiin 4 qof, kuwaasi oo Saddex ay ku dhinteen isla goobta qaraxu ka dhacay, kan kalena uu dhintay intii cisbitaalka loo sii waday.
Al-Shabaab ayaa inta badan loo tiriyaa inay ka dambeeyaan weeraradan loo adeegsaday Miinooyinka dhulka lagu aaso ee ka dhaca Waqooyi Bari Kenya.