Qarax miino oo lala eegtay Gaari ay wateen Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Sida aan wararka ku helayno waxaa Gaari ay wateen ciidamada dowladda Soomaaliya Qarax miino lagula eegtay duleedka Koofureed ee magaalda jowhar.

Askartan ayaa la socotay gaari ciidan xili ay marayeen degaan lagu magacaabo Kili Maseyrow oo qiyaastii 15-km dhinaca koonfureed kaga beegan Jowhar.

Qaraxa ayaa laga maqlay magaalada Jowhar, sida ay sheegen dadka magaaladaas ku dhaqan wuxuuna ahaa mid aad u xoogan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada qaraxa lala beegsaday, ayaa ka yimid magaalada Muqdisho, waxayna ku soo jeedeen magaalada Jowhar.

Saraakiisha dowladda gobolka Shabeellaha Dhexe kama hadlin qaraxa ciidamada lala beegsaday oo masuuliyadiisa ay sheegatay kooxda Al-shabaab.