Wararka laga helayo gobolka Bay ayaa sheegaya in deegaan katirsan gobolkaasi uu ka dhacay qarax miino oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda itoopiya ee ka howlgala gobalkaasi.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inuu Qaraxaasi ka dhacay deegaanka Awdiinlle oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Baydhabo , halkaasina ciidamada itoopiya gaari kamid ahaa gawaaridii ay wateen uu haleelay qaraxa lala eegtay, balse aysan cadeyn Karin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.
Wasiiru dowladaha wasaarada amniga mamulka koofur galbeed Cabduqaadir Cabdiraxmaan ayaa warbaahinta sheegay iney jiraan miinooyin lagu qarxiyay howlgalo ay si wada jir ah ay u fulinayeen ciidamada Koofur galbeed iyo kuwa militariga itoopiya,hasa yeeshee wasiiru dowladaha ayaa ka meer meeray inuu ka hadlo qarax miinooyinka meelaha fog fog laga hago oo la sheegay in lagu waxyeeleeyay mid kamid ah gaadiid ay wateen ciidamada dowlada itoopiya.
Majirto ilaa iminka cid sheegatay Masuuliyada qarax miino oo lala eegtay ciidamada Militariga itoopiya.











