Qarax xoog leh ayaa goor dhow oo galabta ka dhacay maqaayad ku taal egmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa.
Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay, afaafka hore ee maqaayadda oo ku dhow Bacadlihii hore ee Xamar Weyne.
Maqaayadda la qarxiyay ayaa caan ka ah degmada Xamar weyne iyo nawaaxigeeda waxaana lagu magacaabaa Isa-Saar.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada Ammaanka ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoo xiray maqaayada iyo nawaaxigeeda.
Wixii warar kusoo kordha kala soco Goobsan.com