Qarax lala eegtay Ciidamada Dowlada Federaalka

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Qarax lagula eegtay Degaanka Xaawo-cabdi oo ku yaalla Duleedka Muqdisho, sida ay inoo sheegeen Goobjoogayaal.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaraxa lala eegtay ayaa waxa ay wateen mid ka mid ah Gawaariga Dagaalka, waxaana Gaariga uu ku sii jeeday dhanka Afgooye.

Qaraxan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray Ciidamada Qaraxa lala eegtay, sida ay sheegeen masulliyiinta Degaankaasi.

Ciidamo kale oo gurmad ah ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, halkaasi oo ay ka sameeyeen baaritaano la xiriira Qaraxan.

Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa mararka Qaraxyo lagula eegtaa Degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose, masulliyida Qaraxyadaasi inta badan waxaa sheegta Shabaab.