Qarax lala beegsaday Ciidamada kenya ee sugan Gobolka Gedo

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha soo gaaray ciidamada  Kenya  ee ku sugan Gobolka Gedo qarax culus oo lagula beegsaday qeybo ka mid ah gobalkaasi.

Kolanyada Kenya ayaa qaraxa lagula beegsaday wadada isku xirta degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Busaar,iyadoona dhawaqa qaraxa si aad ah looga maqlay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobalka Gedo.

Miinada ayaa haleeshay gaari Beebo ah kaasi oo gabi ahaan ay miinada burburisay iydoo uu dhaawac kasoo gaaray askartii saarneyd gaariga uu qaraxu haleelay sida ay sheegayaan wararka laga helayo halka uu qaraxu ka dhacay.

Kolanyada la weeraray ayaa waxay kasoo baxeen degmada Ceelwaaq kuwaasi oo ku sii jeeday deegaanka buusaar iyagoo Sahay uwaday ciidmo keenyaan ah oo halkaas saldhig ku leh.
Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay Gobolka Gedo.