Qarax lagu hoobtay oo Gaari caasi ku haleelay Gobolka Sh/Hoose

Qaraxan oo nuuca miinada dhulka lagu aaso ah ayaa haleelay gaari caasi ah mar uu mareeyay deegaanka Golwayn ee shabeelada hoose qaraxaas ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku naf waayeen toboneeyo ruux, gaarigan caasiga ah ayaa ka baxay degmada Buulo mareer waxa uuna kusii jeeday degmada Marka ee Sh/hoose.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badnaa haween ganacsato ah oo maallin kasta oo khamiis ah ganacsi xoogan ka sameeya suuqa degaanka Buulo Mareer kuwaasoo ka kala yimaada degaano ka tirsan degmooyinka gobolka Sh/hoose.

Dadka qaarkood oo dhaawac ahaa ayaa la sheegay iney degaanka Golweyn ugu dhinteen dhiig-bax iyo gurmad la’aan, ka dib markii la waayey gaadiidsi deg deg ah u gaarsiiya goobaha Caafimaadka.

Qaraxan oo ka dhashay miino wadada lagu aasay ayaa sidoo kale burbur aad u xoogan u geystay gaariga caasiga ah ee uu qabsaday kaaso qeybo ka mid ah gubtay sida dad halkaas ku sugan ay ku soo waramayaan.

Maamulka Koonfur galbeed Somalia iyo kan gobolka Sh/hoose ayaan weli ka war ka soo saarin qaraxan lagu hoobtay oo noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee mudooyinkan ka dhaca gobolkaas.