Qarax Khasaare gaystay oo lala beegsaday masuulyiinta maamulka Qansax dheere

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay, kaasi oo dhacay barkhanimadii maanta.

Qaraxan oo ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Maqaaxi ku taalla Degmada Qansax-dhaare, halkaasi oo ay ku sugnaayeen masuuliyiin ka tirsan Degmadaasi.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay Labo masuul oo ka tirsan Degmadaasi iyo Shan Askari ilaalo u ah masuuliyiintaasi.
Guddoomiyaha Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay Isaaq Cabdi Maxamed ayaa warkan xaqiijiyay, wuxuuna sheegay in ay socdaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay falkan.

Degmada Qansadheere ee Gobolka Baay ayaa waxa ay 90-KM ujirtaa Magaalada Baydhabo, waxaana Degmadan ay go’doon u tahay Shabaab 2012-kii ilaa hada.