Qarax ka dhacay Wasaaradda Gaashaandhigga

Qarax loo adeegsaday Gaari ayaa ka dhacay degmada Deyniile gaar ahaan meel ku dhow kuliyadda Jaale Siyaad oo ay dagan yihiin ciidamada Burundi ee qaybta ka ah kuwa AMISOM.

Wararka laga helay goobta ayaa sheegaya in qarax lala eegtay kolonyo ciidan oo ka soo baxay wasaaradda gaadhiga, oo ay maanta ka socotay xaflad ay xilalka kula wareegayeen Taliyaha ciidamada xooga iyo Abaan duulaha ciidamada.

lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaasi, wixii warar ah ee ku soo kordhana dib ayaan idin kala soo socod siin doonaa,