Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay agagaarka xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa Miino ayaa jugtiisa laga maqlay qeybo ka mida magaalada ayaa halkaasi ka dhacay, waxaana lala beegsaday kolonyoo galbinayay Wasiir ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya oo halkaasi martay.
C/laahi Colaad Rooble Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka yimid xarunta Wasaaradda oo maanta lagu qabtay Munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen Taliyihii hore ee ciidanka xoogga Gen. Gorod iyo Taliyaha cusub Daahir Indha qarshe.
Saraakiil ammaanka qaabilsan ayaa sheegay inaysan jirin cid qaraxa waxyeelo ka soo gaartay kolonyada Wasiirka iyo xubnihii la socdayba, balse uu ku dhintay qof shacab ah oo halkaasi marayey.
Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sidii looga daba tagi lahaa raggii falkan ka dambeeyay.