Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax Gaari ayaa caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miino ayaa gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan Millitariga Soomaaliya, sida ay sheegeen Hay’adaha ammaanka oo aan la xiriirnay.

Mid ka mid ah Sarakiisha ciidamada ayaa sheegay in qaraxaas uusan waxba gaarsiin Sarkaalka marka laga reebo dhaawaca Haweeney goobta uu qaraxa ka dhacay ku sugneed.

Ciidamado ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliy ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay howgal gaar ah balse aan weli wax dad ah lagu qaban.

Wixii ku soo kordha kala socda Goobsan.com