Qarax ka dhacay degmada Dharkinley ee magaalada Muqdisho

Qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso ah ayaa waxa uu ka dhacay xaafada Aba Gedo ee degmada Dharkinley.

Sida dadka degaanka ay xaqiiniyaan qaraxan ayaa waxaa lala eegtay Sarkaal ka tirsan Dowladda Federalka Soomaalia.

Sarkaalkan ayaa ka badbaaday qaraxaasi lala eegtay balse waxaa jira dhaawac soo gaaray mid kamid ah Askarta ilaalada u ahayd Sarkaalkaas.

Ilaa iyo hadda majiro wax kale oo war ah oo kasoo baxay qaraxaas sidoo kale lama sheegin in uu qasaare kasoo gaaray dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafada Aba Gedo.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay wax ka dhaceen , waxaana halkaasi ay ka waddaan howlgallo kala duwan oo Amniga lagu xaqiijinaayo.