Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Beledweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhow halkaasi uu ka dhacay qarax kaas oo geestay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay Maqaayad ku taalla afaafka hore ee Xarunta Maamulka Gobolka Hiiran, oo ay ku sugnaayeen dad aad u farabadan, Qaraxan oo jugtiisa laga maqlay xaafadaha Magaalada Baladweyne.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayan in qaraxaas ilaa 5 ruux ay ku geeriyoodeen dhaawacuna uu intaas ka badan yahay.

Waxii war ah oo kusoo Kordhaa kala Soco Goobsan.com