Qarax Gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Qarax Gaari ayaa lagu soo waramaya inuu goor dhow ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, Qaraxa ayaa waxa loo adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxa Kadib ayaa la maqlay rasaas fara badan oo ay rideen Ciidamada ammaanka oo si deg deg ah goobta ku soo gaaray.

Gaariga Qarxay nuuciisa waxaa lagu sheegay inuu ahaa nuuca raaxada ah, gurmadka dadka ku waxyeeloobay qaraxa ayaa ka socda halkaasi.
Ciidamada ammaanka ayaa xiray wadada waxaana shacabka loo diidayaa in ay halkaasi ka soo akdhawaadaan.

Faah faahin goor dhow kala soco Goobsan.com

SHARE Facebook