Qarax Gaari loo adeegsaday oo goordhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax xoogan ayaa goordhaweyd waxa uu ka dhacay Gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya.

Gaari lagu soo xirey  waxyaabaha qarxa ayaa la dhigay Meel u dhaw Carwo Al Kathar oo ku taala meel u dhow Hoteelka wadada Makka Al-mukarama ee Magaaladda Muqdisho.
Jugta qaraxa oo ahayd mid xoogan ayaa laga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana qaraxa kadib dhacay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya.

Ciidammada ammaanka  Dowladda Soomaliya waxa ay xireen wadada maka al mukarama qeybo ka mid ah inta uusan qaraxa dhicin kadib markii ay xaqiijiyeen in gaari lagu xiray qarax uu wadada yaala gaadiidka waaloo diiday iney maraan wadada Makka Al-mukarama ee Magaaladda Muqdisho.

Ilaa haatan lama sheegin qasaaro uu geystay qaraxa caawa ka dhacay wadada Makka Al-mukarama ee Magaaladda Muqdisho, oo bishii aynu soo dhaafnay uu ka dhacay qarax gaari laga soo buuxiyay oo ay ku dhinten 5-ruux 4-kalana ay ku dhaawacmeen.