Qarax dhimasho iyo dhaawac gaystay oo ka dhacay magaalada Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Qarax Miino kaasoo lagu aasay gadaalka dambe Saldhig Boolis oo ku yaala Magaalada.

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Ciidamada Booliska maamulka Jubbaland Qarax ayaa ka dhacay Dhabarka dambe ee Saldhiga Magaalada Kismaayo.

Qaraxa  ayaa ahaa mid Miino dhulka lagu aaso waxaana ka dhasay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa la xaqiijiyay in qaraxaasi uu ku geeriyooday hal askari sidoo kalena uu gaystay dhaawaca tiro ku dhow 14 qof.

Ciidamada amaanka ayaa goobta soo gaaray, ayagoona halkaas ka wado baaritaano.