Qaramada Midoobay oo bogaadiyey talaabo ay qaadey Jubaland

KISMAAYO, Jubaland – Madaxweynaha Dowlada Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay
ku xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, oo booqasho ku timid Jubaland.
Kulanka ayaa lagaga hadlay arimaha Doorashooyinka oo Dowlada Jubaland ay xalay soo dhamaystirtay xubnahii ku dhimanaa ee
Aqalka Sare taas oo dardargalin doonta howlaha Doorashooyinka.

Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa Jubaland uga mahad celisay sida ay u ilaalisay qoondada haweenka ee aqalka sare iyadoo hoosta
ka xariiqday in Qaramada midoobay ay tageerayso howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar galin lahaa.