Waxaa saakay xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, wadooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah wadada Maka-Almukarama, Wadnaha, iyo jidka 30.
Wadooyinka ayaa waxaa ku go’an Gawaarida dagaalka iyo waxyaabo kale oo ay ku gooyeen wadada ayadoona aan loo ogolayn inay maraan gawaarida dadweynaha, waxaana la arkayaa shacabka oo ku lugeynaya si ay u gaaraan meelahii ay PL-ka u raaci jireen.
Ujeedka Wadooyinkaasi loo xiray ayaa waxaa lagu sheegay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo lagu waddo in uu dhagax dhigo wadada dheer ee Jidka 30-ka.
Jidka 30-ka ayaa ku jira wadooyinka wali burbursan mana jirto wax dayactir muuqdo ah oo lagu sameeyay tan iyo burburkii ka dhacay Soomaaliya, waxaana lagu waddaa in maanta dib u dayactir lagu bilaabo.