Qaar kamid ah Maxaabiistii ku xirneed dalka India oo la xukumay

Wasiirka Arrimaha Dibedda Yusuf Garaad ayaa sheegay in 15 Maxbuus oo ka mid ah 118  ka Maxbuus ee Soomaalida ah ee ku xiran magaalada Mumbai ee dalka India la soo taagay maxakamad.

Maxaabiistani oo gaaraya ilaa 15 oo Maxkamadda la soo taagay waxaa lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah, kuwaasi oo horey ugu loogu xukumay min 6 sano iyo bar oo xarig ah.

“xukunka maanta macnihiisu wuxuu yahay in ay xabsigooda ay ka hartay 6 bilood oo keliya, Waxaa kale oo lagu xukumay ganaax aan badneyn”, Ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo ku sugan dalkaasi India.
Maalintii shalay ayaa waxaa heshii kala saxiixday Dowladah Soomaaliya iyo India heshiiskaasi oo ku saabsan in inta ka dhiman xukunkooda ay ku dhameystaan dalkooda hooyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey ugu guuleysatay in xabsiyada dalka Itoobiya ay ka sii dayso in kabadan 100 maxaabiis ah kadib markii heshiis arrintaasi ku saabsan uu dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo India.