Puntland oo xukun dil ah ku fulisay 13 ka tirsanaa Alshabaab iyo Daacish

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay 13 nin oo katirsanaa kooxaha Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo horey loogu xukumay dil toogasho.

Fulinta xukunnadan oo dhacay saakay abaare siddeeddii subaxnimo, ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Gaalkacyo, Garowe iyo Bosaso.

Magaalada Galkacyo waxaa lagu toogtay 5 nin oo ka tirsanaa amniyaadka Alshabaab kuwaas oo horey dilal iyo Qaraxyo uga gaystey xaafadda Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug.

Garowe waxaa qisaas lagu fuliyay Shucayb Maxamed (Jacfar) oo sanadkii 2016 lagu qabtay dagaaladii ciidamada Puntland iyo Shabaab ku dhexmaray Suuj, Garmaal iyo Kulub.

Balse cafis iyo dhaqan celin loo fididayay ayuu mar kale dib ugu laabtay Alshabaab isagoo dilal ka geystay Muqdisho, kaddibna waxaa lagu qabtay Garowe isagoo safar u ahaa magaalada Bosaso.

Sidoo kale magaalada Bosaso waxaa dil lagu fuliyay 6 nin oo ka kala tirsanaa Shabakado Shabaab iyo Daacish ah, Kuwaas oo lagu helay dilal iyo qaraxyo ay ka gaysteen magaalada Bossaaso.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc
Contact us: info@goobsan.com